Madaxweyne Farmaajo Oo Bogaadiyey Heshiisyada Maalgelin Ee Dhowaan Soomaaliya Ay La Saxiixatay Dalalka Qadar Iyo Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyay heshiiska horumarineed ee ay Somalia la gashay dalalka Qadar iyo Maraykanka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu heshiisyadan ku tilmaamay horumar balaaran oo ay dowladdiisa ka sameeysay dhinaca xiriirka caalamka iyo siyaasadda arimaha dibadda.

“Heshiisyada horumarineed ee aan la galnay Mareykanka iyo Qatar waxay si xoojinayaan xiriirka haatan naga dhaxeeya dowladahaas, waxa ayna caddayn muuqata u tahay sida uu u sii xoogaysanayo iskaashiga iyo xirriirka aan caalamka la leenahay iyo kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Hay’adda USAID ee dawladda Maraykanka u qaabilsan dhinaca horumarinta iyo Hay’adda dalka Qadar u qaabilsan horumarinta iyo gargaarka ay dawladda Soomaaliya ayaa dhowaan Soomaaliya waxay kala sixiixdeen mashruucyo 500 oo milyan oo doolarka Maraykanka ah ay ku kaceyso. Dowladda Maraykanka ayaa 300 oo milyan ku bixinaya waxbarashada, caafimaadka, kobcinta dhaqaalaha iyo maamul wanaagga, halka dawladda Qadar ay 200 oo milyan ku bixinayso dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, shaqo abuurista dhalinyarada iyo dismaha xarumaha dawliga ah.

“Maalgelinta iyo taageerada horumarineed ee intaa la eg ma ahan mid ku kooban dib-u-dhiska dalka oo kaliya ee waa mid kor u qaadaysa kaabayaasha dhaqaalaheenna, taas oo dhabaha u xaareysa in nolol wanaagsan ay helaan shacabka Soomaaliyeed, waxay markhaati u tahay dadaalka aan ku bixineyno in ay Soomaaliya ka hana qaado nabad iyo barwaaqo la isku halleyn karo….” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaayao faa’iidooyinka mashaariicdaasi u leeyihiin dalka Soomaaliya.

Tan iyo markii madaxweyne Dowladda Soomaaliya loo doortay Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa soo xoogeystay kalsoonida deeq bixiyeyaasha ku qabaan madaxda dalka, taasina waxaa sabab u ah isla xisaabtanka iyo hufnaanta nidaamka ay ku shaqeyso xukuumadda Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here