Xulka Kubbadda Cagta Maamulka K/Galbeed Oo Ka Guuleystay Xulka HirShabeelle

Xulka Kubbadda Cagta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka badiyey xulka maamul goboleedka HirShabeelle. Xulka labada maamul ayaa ka qeyb galay ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga dowladda Federalka.

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa ku dhammaatay hal iyo eber (K/Galbeed 10 HirShabeelle).

Hogaamiyeyaasha labada maamul goboleed ee kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo  Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka mid ahaa dadkii maanta daawanaayey ciyaarta kulul ee dhex martay K/Galbeed iyo HirShabeelle.

Ciyaarta ayaa qeybtii hore ku soo dhamaatay goolal la’aan hase yeeshee qeybtii dambe ee ciyaarta ayaa ciyaartoyda xulka KoofurGalbeed waxa ay dhaliyeen goolka guusha.

Ciyaar shaley dhexmartay Xulka Gobolka Banaadir iyo maamul goboleedka Jubbaland ayaa muran weyn uu ka dhashay kadib markii ciyaaryahan Kenyan ah lagu dhex arkay ciyaartooyda gobolka Banaadir iyadoo ciyaartaasina ay ku dhammaatay Banaadir  2-1 Jubbaland.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here