Saxafi Maanta Gelinkii Dambe Lagu Dilay Magaalada Muqdihso

Wariye Maxamed Ibrahim Gaaboow oo ka tirsanaa telefishinka Kalsan ayaa maanta gelinkii dambe lagu dilay magaalada Muqdishio.

Dilka wariyahan waxaa loo adeegsaday Miino gaarigiisa loogu soo rakibay taasi oo qaraxday xili uu gaarigiisa maraayey Suuqa Malaayga degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacaayey dilal is dabajoog ah oo ay geysanayaan kooxo aan la garaneynin heybtooda.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here