Wasiirka Gaashaandhigga Wadanka Malaysia “Diyaar Ayaan U Nahay Inaan Ciidamo Milateri U Dirno Magaalada Barakeysan Ee QUDUS”

 

Wasiirka Gaashaandhiga wadanka Malaysia Hishammuddin Tun Hussein oo ka hadlaayey go’aankii Donald Trump uu todobaadkii caasimadda Yahuudda ugu aqoonsaday magaalada QUDUS ayaa sheegay in dalkiisa diyaar u yahay inuu ciidamo Milateri u diro dhulka Falastiin si ay u difaacaa magaalada barakeysan ee QUDUS.

Hishammuddin Tun Hussein ayaa sheegay in go’aanka Mareykanka uu yahay dharbaaxo wajiga looga dhuftay dhammaan Muslimiinta Caalamka.

Dalalka waaweyn ee dunida Islaamka ayaa si xoogan uga soo horjeestay go’aanka Donald Trump iyagoo madaxweynaha Mareykanka ku tilmaamay argagaxiso dunida wadajirkeeda khatar ku ah.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here