Gaarigii Xaley Lagu Duqeeyey Deegaanka Mubaarak Oo La Ogaaday Inuu Waday Qarxyo Lagu Soo Dhexqariyey Moos(Sawiro)

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga leeyahay dalalka dowladda Soomaaliya ka caawiyo dagaalka argagaxisada ayaa xaley duqeeyey Gaari Miino lagu soo rakibay oo la doonayey in magaalada Muqdisho la soo geliyo.

Gaariga oo ahaa Mini Bus ama nooca dadka Soomaalida u yaqaaniin Homey ayaa waxaa lagu raray Moos fara badan si loo qariyo Miinooyinka saarnaa. Alshabaab ayaa waxay deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose ku farsameeyaan qaraxyada culculus iyagoo adeegsanaayo maadada TNT ee qaraxyada laga sameeyo.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Awdheegle oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta lagu burburiyey gaariga miineysnaa ayaa inoo sheegay in gaariga Miineysan oo aan qof saarneyn uu yaalay beer dhexdeeda isla markaasina uu dhowr jeer qarxay Kadib markii diyaaradda Drone-ka ay gantaal ku dhufatay, arintaan labo-qarxidda ah ayaa waxay muujineysaa in bambaanooyinka Alshabaab ay ku rakibeen gaarigaasi ay iskooda u qarxayeen muddo kadib markii gantaalka lagu dhuftay gaariga.

Dhanka kale, Saraakiil ciidamada dowladda federalka ka tirsan oo ku sugan qeybo ka mid ah goobolka Shabeelaha Hoose ayaa inoo xaqiijiyey inay si dhow ula socdeen Qaraxyada gaarigaasi lagu rakibayey isla markaasina xogta gaarigan ay la wadaageen saraakiisha sirdoonka Qaranka dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Mubaarak waxaa maamulo kooxda Alshabaab, sawirada hoose waxaa baahiyey warbaahinta kooxda u qaabilsan dhanka dacaayadaha Internetka iyagoo sheegay in diyaaradaha Drones-ka ay beegsadeen gaari qudaar waday oo dad shacab ah lahaayeen.

 

Gaari Miineysan Gaari Miineysan1 Gaari Miineysan2 Gaari Miineysan3

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here