SAWIRO: Wasiirka Maaliyadda DF Oo Sheegay In Hey’adda Lacagta Aduunka Ay Dalka Soomaaliya Ka Cafineyso Deymaha Lagu Leeyahay Haddii…

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beeyle oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay natiijadii ka soo baxday shir uu Magaalada Nairobi kula soo yeeshay madaxda hay’adda Lacagta Adduunka ee loo soo gaabiyo IMF, gaar ahaan Barnaamijka Geedi socodka Cafiska Deymaha ee loo soo gaabiyo ‘SMP’.

Madaxda Hey’adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dalka ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoona Madaxdii Wasaaradda ee uu hogaaminayay Wasiir Bayle ay guul dib ugula soo laabteen Dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in hadii sidaan wanaaga ah loogu wado maamulka Maaliyadda Dalka ay dhici doonto in Soomaaliya laga cafiyo dhamaan deymaha lagu leeyahay.

Dr Cabdiraxmaan Bayle Dr Cabdiraxmaan Bayle1 Dr Cabdiraxmaan Bayle2 Dr Cabdiraxmaan Bayle3 Dr Cabdiraxmaan Bayle4

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here