Warbixin: Ciidamada Qeybta 12ka April Ee Dowladda Mareykanka Ay Dhaqaalaha Ka Joojisey, Ma Ciidamo Dowladeed Baa Mise Waa Maleeshiyo Beeleed?

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay joojisay dhaqaalihii ay ku bixin jirtay ciidamada Qeybta 12ka April ee ka mid ah ciidamada dowladda federalka Soomaaliya. 

Ciidamada Qeybta 12ka April oo la abuuray xiligii ay jirtay dowladdii waqtigeeda dhammaaday ee uu madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay badankooda ka soo jeedaan beelaha Abgaal iyo Habargidir, waxayna ciidamadan ka howlgali jireen magaalada Muqdisho iyo Labada Shabeelle ee kala ah gobolka Shabeelaha Hoose iyo gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa taliye Qeyb u ah ciidamada Qeybta 12ka April xiligan nin lagu magacaabo Cumar Dheere iyadoo horey hogaanka ciidan ay u soo qabteen Maxamed Maxamuud Saney iyo Maxamuud Xasan Qaafow, waxaa ciidamadan si weyn loogu xasuustaa tacaddiyo badan oo ay ka geysteen gobolada Sh.hoose iyo Sh.dhexe.

Ciidamada Qeybta 12ka April ayaa warbixino dhowr ah oo ka soo baxay hey’adaha Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay inay yihiin ciidamo labo beel ay sameysteen isla markaasina aan la dhihi karin ciidan Qaran, sidaasi darteed arintan waxay Cambaar wajiga ku taallo iyo caqabad ku noqotay madaxda dowladda federalka oo ugu dambeyn ogolaaday in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamadan si ay u noqdaan ciidamo loo dhan yahay kuwaasi oo matali karo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada la doonayo in laga howlgeliyo ciidamadan.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in hogaanka ciidamadan ay hareysay musuqmaasuq iyo qaab-dhismeedkan ciidamadan oo si qaldan loo maray maadaama deegaanada ay ka howlgalaan ay degan yihiin beelo badan oo aanan.

Sanadkii 2013-ka ilaa 2015-ka , waxay ciidamada Qeybta 12ka April si firfircooni ah uga qeyb qaateen dagaallo dhulbalaarsi ah oo gobolka Sh/hoose ka dhacay iyagoo garab siinaayey mid ka mid ah beelaha xubinta ka ah isbaheysiga sameystay ciidamada Qeybta 12ka April, xiligaasi waxay ciidamadan gobolka Sh/hoose ka geysteen tacadddiyo isugu jiro dilal, kufsi iyagoo baabi’iyey hanti shacab oo u badan beero iyo guryo la gubay.

 

 

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here