Wiil Uu Dhalay Madoobe Nuunow Maxamed Oo Loo Magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka K/Galbeed

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha maamulka K/Galbeed u magacaabaywiil wiil uu dhalay Madoobe Nuunow Maxamed oo ahaa Wasiirkii Arimaha Gudaha K/Galbeed.
Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed oo maalintii shaley oo Khamiis aheyd ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ayaa lagu go’aamiyey in Maxamed-nuur Madoobe Nuuunow loo magacaabo xilkii Aabahiisa uu ka geeriyooday.
Alle ha u naxariiste Madoobe Nuunow Maxamed ayaa 28-kii bishii October ee sanadkan ku geeeriyooday weerar kooxda Alshabaab ay ku qaadeen hotel ku yaalo magaalada Muqdisho.
SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here