Xulka Kubbadda Cagta Jubbaland Oo Gurigooda U Diray Xulkii GalMudug

Waxaa galabta ciyaar kulul ku dhexmartay xulal kala matalaayey maamul goboleedyada GalMudug iyo Jubbaland.

Ciyaartii galabta dhexmartay labada xul ee Jubbaland iyo Galmudug ayaa ku dhamaatay 2 iyo 1 iyadoo Jubbaland ay ku badiyeen 2 gool.

Ciyaarta bilowgeeda waxaa gool ku hormaray Jubbaland laakiin tobaneeyo daqiiqo kadib ayay kooxda Galmudug gool bareejo ah ka daba keentay. Kaambiyaha 2aad kadib ama markii laga soo noqday daqiiqadihii nasashada ayay Jubbaland gool 2aad ku hubsatay shabaqa goolka kooxda Galmudug kaasi oo noqday goolkii kii soo afjaray rajadii Galmudug ay ka qabtay inay u gudubto wareegga 2aad ee ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya oo Muqdisho ka socdo.

Waxaa ciyaaraha gabi ahaanba ka haray xulalkii matalaayey maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeele.

Waxaa isku soo haray kooxaha gobolka Banaadir iyo maamul goboleedka Puntland oo isku arkaayo ciyaarta soo socoto, waxaana ku xigi doono ciyaar dhexmari doonto labada maamul goboleed ee deriska iyo isku dadka ah ee kala ah K/Galbeed iyo Jubbaland.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here