Xulka Kubbadda Cagta Maamul Goboleedka Puntland Oo Ka Guuleystay Xulka Gobolka Banaadir

Ciyaar kulul oo aad u xiiso badan ayaa galabta waxay dhexmartay xulalka maamul goboleedka Puntland iyo gobolka Banaadir.

Xulka maamul goboleedka Puntland oo firfircooni dheeraad ah muujiyey ciyaartii maanta ayaa 1 gool iyo eber kaga guuleystay xulka gobolka Banaadir oo la aminsanaa inuu ahaa xulka ugu adag ee soo gaaray Semifinalka.

Puntland ayaa u gudubtay Wareegga ugu dambeeyo ee ciyaaraha maamul goboleedyada iyadoo halkaasi ku sugeyso xulalka K/Galmbeed ama Jubbaland midkii u soo baxo wareegga ugu dambeeyo ee ciyaaraha.

Waxaa berri ciyaari doono xulalka K/Galbeed iyo Jubbaland iyadoo midkii u soo baxo wareegga ugu dambeeyo uu la ciyaari doono.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here