Labo Nabadoon Oo Hal Bil Gudaheeda Lagu Dilay Degmada Baraawe Ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Waxaa habeenkii la soo dhaafay degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay Alle ha u naxariiste nabadoon Maxamed Aadan (Caamir Muuse) oo ka tirsanaa odeyaasha dhaqanka degmada Baraawe.

Dilka nabadoonka waxaa geystay dhagar-qabeyaal wajiga soo duubtay oo u soo dhacay hoyga nabadoonka, waxayna ku toogteen duleedka degmada, agagaarka guriga nabadoonka waxaa saldhig ku leh ciidamo qaab maleshiyo beeleed u abaabulan oo magaca ciidanka dowladda federalka ku joogo degmada Baraawe. Dableyda nabadoonka dishay ayaa la xaqiijiyey inay goobta ka baxsadeen.

Waxgaradka deegaanka ayaa aminsan in gaan-ku-dhiigleyaashay dilay nabadoonka ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka guuto 3aad ee saldhigga ku leh degmada isla markaasina uu hogaamiyo Aadan Abshir Nuur(Labo Afle).

Waxaa sidan oo kale horaanta bishan Decembar isla degmada Baraawe waxaa dil loogu geystay Alle ha u naxariistee nabadoon Sayidina Xaajow oo ka tirsanaa nabadoonada ugu caansan gobolka Shabeelaha Hoose.

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ciidan dowladeed ahaan uga howlgalo maleeshiyaad aan gobolka u dhalanin oo tacaddiyo kala duwan u geysto shacabka isla markaasina hadaf kale gobolka looga howlgeliyey xiligii dalka madaxweyne uu ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna dadka deegaanka cabasho arintan la xiriirto dhowr jeer u gudbiyeen madaxda ugu sarreyso ee dowladda iyo hey’adaha Qaramada Midoobey si loo xakameeyo dhibaatada maleeshiyaadka magaca dowladda ugu geysanayaan shacabka gobolka Sh/hoose.

Degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose waxaa bilooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey shirqoollo dilal ah oo loo geysanaayo waxgaradka dadka deegaanka isla markaasina kuwa dilalkan geysanaayo ay isku ekeysiinayaan amniyaatka kooxda Alshabaab.

Aadan Abshir Labo-Afle
Aadan Abshir Nuur (Labo-Afle)
SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here