Xulka Kubbadda Cagta Jubbaland Oo Labo Gool Uga Badiyey Xulka Maamul Goboleedka K/Galbeed

Xulka kubbadda cagta ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa xaqiijiyay guushii ay ugu soo bixi lahaayeen wareegga ugu danbeeyay ee is reeb reebka tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya kadib markay daqiiqado ka hor 2 iyo 0 kaga soo badiyeen xulka K/Galbeed.

Waxay ahayd ciyaar xiiso badan, weerar iyo weerar celis kadib Jubbaland waxaa u suuro gashay inay shabaqa goolka Koonfur Galbeed ku hubsadaan 2 gool, walow ay sidoo kale iska khasaariyeen fursado badan oo ay ku dhalin kareen goolal intaasi ka badan.

Xulka K/Galbeed ayaa dhankeeda isku dayday inay iska soo gudaan goolasha lagu leeyahay balse nasiib darro way u suuro gali waysay taasi.

Xulka Jubbaland ayaa sanadkii 2aad u soo gudubtay wareegga ugu danbeeya ee tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada waxayna maalinta Jimcaha isla ciyaari doonaan xulka Puntland oo sidoo kale sanadkii hore koobka ka qaaday.

Xulka K/Galbeed ayaa kaalinta 3aad waxay kula tartami doontaa kooxda gobolka Banaadir. Guusha Jubbaland ayaa looga dabaaldagayaa magaalada Kismaayo iyo magaalooyinka kale ee maamul gobolleedka Jubbaland.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here