Siyaasi Faarax Macalin Oo Dowladda Soomaaliya Ugu Baaqay Inay Soo Xirto Dhammaan Siyaasiyiinta Imaaraatka Lacagta Ka Soo Qaatay Ee Uu Ku Jiro Cumar C/rashiiid

Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya mudane Faarax Macalin ayaa madaxda dowladda Federalka ku dhiiri geliyey in la soo xiro dhammaan siyaasiyiinta soomaaliyeed ee dhaqaalaha ka soo qaatay dalka Imaaraatka si ay dowladdan hadda jirto u ridaan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Faarax Macalin ku yiri “Farmaajo iyo Kheyre ma dhameystirna balse waa madaxda kaliya ee maanta rajo wanaagsan u xambaarsan shacabka Soomaaliyeed, kuwa xermada lacagta ah ka soo qaatay Imaaraatka si ay u dumiyaan dalkooda wax rajo ah uma hayaan Qaranka Soomaaliyeed”.

 

“Hala soo xirxiro dhammaan kuwa Imaaraatka Xermooyinka Lacagta ah ka soo qaatay si ay dalkooda hooyo ugu dumiyaan oo uu ku jiro Cumar C/rashiid, hana lagu soo oogo dacwado Khiyaano Qaran ah ” ayuu qoraalkiisa sii raaciyey siyaasi Faarax Macalin.

Sidoo kale, Faarax Macalin ayaa madaxda qaranka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska tuuraan Baasaboorada dalalka shisheeye ee ay heystaan si ay kalsooni dheeraad ah uga helaan shacabka Soomaaliyeed.

 

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here