Dhageyso Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo Si Adag Uga Horyimid Xukunka Ay Riday Maxkamadda Gobolka Banaadir Ee Lagu Sii Daayey C/raxmaan C/shakuur

Dr. Axmad Cali Dahir xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa si adag u diiday xukunkii lagu sii daayey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo lagu soo eedeey fal dambiyeed Qiyaano Qaran iyo eedeymo kale oo halis ku ah jiritaanka dowladda Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa Dr. Axmad Cali Dahir wuxu ku  sheegay in xukunka uu riday gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir uu ahaa mid hareer marsan sharciga Ciqaabta Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay xeer ilaalinta racfaan ka qaadanayaan xukunkaasi.

Aweys Sheekh Maxamad gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa diiday in racfaan laga qaato dacwadda uu xukmiyay iyadoo warar soo baxaayo ay sheegayaan in gudoomiyaha gobolka Banaadir lagu cadaadiyey xukunka uu riday.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here