Somaliland Ayaa Dalkeeda Ka Masaafurisay Wadaad Soomaali American Ah

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegayo  in Ciidamada Booliska Somaliland ay maanta xabsiga ka sii daayeen Sheekh Cabdiraxmaan Dabcasar oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo heysto dhalashada dalka Mareykanka.

C/raxmaan Dabcasar oo ah nin hadaladiisa lagu maadeysto ayaa dhowaan ciidamada amaanka waxa ay ka qabteen Hoteel ku yaala Magaalada Hargeysa halkaasi oo la sheegay in ciidamada amaanka ay xoog ku galeen kadibna ay u dhaadhiciyeen xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Intii uu socday howlgalka lagu soo xiraayey c/raxmaan Dabcasar ayaa la sheegay in Ciidamada ammaanka ay garaaceen oo ay u geysteen jirdil aan la ogeynin heerka uu gaarsiisan yahay.

Saraakiisha Ciidamada Booliiska Somaliland oo wax laga weydiiyey inay garaaceen C/raxmaan Dabcasir ayaa beeniyey inay wax nabro ah ay ku dhufteen markii ay soo qabanayeen iyo intii uu xirnaa.

Dhanka kale isla maanta waxaa la geeyay laanta socdaalka Soomaaliya si Dabcasar iyada oo dibna loogu ciliyay dalka Mareykanka oo markii hore uu ka yimid.

Dabcasar ayaa lagu eedeeyay in uu Aflagaado ba’an u geeystay madaxweynaha cusub ee Soomaaliland Muuse Biixi iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

C/raxmaan Dabcasar ayaa xaqiijiyey in Hargeysa laga masaafuriyey isagoo adeegsanaayo aaladda Facebook Live Video oo uu caan ku yahay.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here