VIDEO: R/wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadalkii C/raxmaan C/shakuur “Muqdisho Cid Marti Ku Ah Iyo Cid Marti Loo Yahay Majirto”

Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maanta shir jaraa’id uuu ku qabtay caasimadda dalka ee Muqdisho kaga hadlay aragtidiisa ku aadan horumarka dowladda federalka ay ka sameyneyso dhan walbo.

Prof. Geedi ayaa bogaadiyey dadaalada wasaaradda maaliyadda ee owladda federalka ay wado si dalka Soomaaliya looga cafiyo deymaha lagu leeyahay iyo Soomaaliya hesho maalgelin caalami ah.

“Muqdisho lama kala lahan, Cid Marti Ku Ah Iyo Cid Marti Loo Yahay Majirto” ayuu yiri Prof. Geedi oo ka jawaabaayey hadal dhowaan C/raxmaan C/shakuur uu k hadaaqay kaasi oo ahaa in beel gaar ah iska leedahay caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here