Madaxweyne Farmaajo Oo Dardaaran Taariikhi Ah Siiyey Dufcadii Ugu Horeysay Ee Ciidamada Lugta Soomaaliya Ee Lagu Tababaray Xerada Turkiga (Video)

Xarunta tababarrada ciidamada ee dowladda Turkiga ka hirgalisay duleedka Muqdisho ayaa waxaa ay soo saartay dufcaddii ugu horaysay ee ciidamada lugta ah.

Ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa ah ciidankii Iskudhafka ahaa ee ugu horeeyay ee caasimadda qaranka Muqdisho lagu xareeyo.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad taariikhi ah ka horjeediyey ciidankan ayaa kula dardaarmay inay dalkooda si daacad ah ugu adeegaan, kana difaacaan cadowga qarsoon iyo midka banaanka ka muuqdo.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here