Odeyaasha Dhaqanka Beesha Surre Oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadalkii Axmed Macalin Fiqi Ugu Gefay Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir(Video)

Aqoonyahanno iyo Odeyaasha dhaqanka beesha Surre ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay si kulul ugu cambaareeyeen Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo hadal gef ah oo uu ku duraayo jinsiyadiisa ka sheegay Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir.

Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka fedaraalka ayaa xeer ilaaliyaha qaranka ee dalka Dr Axmed Cali Daahir ku tilmaamey in uu yahay Nin dheeri ku ah dalka oo uu ula jeedo in Xeer ilaaliyaha uu yahay Ethiopian aan u dhalan dalka.

Dr. Axmed Cali Daahir oo ah xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya ayaa ku dhashay deegaanka Bohol Garas ee gobolka Gedo oo ilaa hadda ehelkiisa iyo qaraabadiisa ay degan yihiin.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here