Dhageysiga Dacwadda Loo Heysto C/raxmaan C/shakuur Oo Maalinta Berri Ah Markale Furmeyso(Akhriso)

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa faurtay gal-dacawadeedka kiiska C/raxmaan C/shakuur Warsame isla markaasina muddo u qabatay dhageysiga dacwada loo heysto.

Warqad ka soo baxday xafiiska Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe ayaa lagu shaaciyey in 27 bisha December oo ku beegan maalinta berri ah bilaaban doonto dhageysiga dacwada loo heysto C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Maxkamadda Racfaanka ayaa Xeer Ilaainta iyo Qareenada C/raxmaan C/shakuur ku wargelisay inay ka soo qeyb galaan dhageysiga dacwada, saacadu marka ay tahay 10-ka subaxnimo.

Maxkamadda Racfaanka

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here