Dowladda Sudan Oo Jaziiradda Suakin Ku Wareejisey Dowladda Turkiga

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo maalmihii la soo dhaafay booqasho ku maraayey wadamo ku yaallo qaaradda Africa ayaa shaley wuxuu booqasho ku tagay magaalada Khartoum ee xarunta dalka Sudan.

Madaxweyne Erdogan waxaa si heersare ah magaalada Khartoum ugu soo dhaweeyey madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Axmed Albashiir. Labada dal ee Sudan iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiisyo dhinacyo badan taabanayo oo ay ugu horeeyeaan dhanka dhaqaalaha iyo Milateriga.

Heshiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Turkiga iyo Sudan waxaa ka mid ahaa in Jaziiradda Suakin ee dalka Sudan isla markaasina ku taallo Badda Cas lagu wareejiyo dalka Turkiga si ay u sugaan amniga dalxiiseyaasha iyo nabadgelyada Badeecada mareyso Badda Cas.

Dowladaha Masar iyo Sacuudiga ayaa aad uga carooday booqashada madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee dalka Sudan gaar ahaan heshiiska Jaziiradda Suakin loogu wareejinaayo dalka Turkiga.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here