Maxkamadda Racfaanka Oo Muddo Kale U Qabatay Dhageysiga Dacwadda Loo Heysto C/Raxmaan C/Shakuur(Akhriso)

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa muddo cusub u qabatay dhageysiga dacwada loo heysto C/raxmaan C/shakuur oo ku eedeysan dambiyo la xiriiro Khiyaano Qaran.

Qoraal ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Saalax Sh. Ibraahim ayaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir lagu amray inay gaarsiiyaan C/raxmaan C/shakuur mudada loo qabtay dhageysiga dacwadiisa.

C/raxaan C/shakuuur ayaa maanta ka baaqday dhageysiga maxkamadeyntiisa oo loo balansanaa.

Muddada cusub ee loo qabtay dhageysiga Dacwadda C/raxmaan C/shakuur ayaa ah 03/01/20018 oo ku beegan maalinta Arbacada ee saacada ay tahay 10-ka subaxnimo.

racfanka

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here