Faarax Macalin Oo Dowladda Soomaaliya Ugu Baaqay Inay Xoojiso Talaabada Ay Ka Qaadeyso Siyaasiyiinta Qaran Dumiska Ah Ee La Shaqeeyo Dalalka Shisheeye (Video)

Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin oo ka qeyb galaayey barnaamij looga hadlaayey talaabadii ciidamada dowladda ay ku soo xireen C/raxmaan C/shakuur ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay xoojiso  talaabooyinka ay ka qaadeyso kooxaha Qaran Dumiska ah ee la shaqeeyo wadamada shisheeyaha.

“Soomaaliya waxay noqotay meel jaajuusnimada lagu faano ….” ayuu yiri Faarax Macalin.

Faarax Macalin ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhalinyaradii ilaalada ka ahayd guriga C/raxmaan C/shakuur kuwaasoo ku geeriyooday howlgalka kadib markii ay rasaas kala hortageen ciidamada nabadsugidda Soomaaliya.

Hoos ka daawo Faarax Macalin:

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here