Madaxweynaha Jubbaland Oo Martiqaad U Sameeyey Waxgaradka Jaziiradaha “Bajun Islands” Ee Gobolka Jubbada Hoose(Sawiro)

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa madaxtooyada Kismaayo ku casuumay waxgaradka iyo odeyaasha dhaqanka Jasiiradaha ku yaallo gobolka Jubbada Hoose ee loo yaqaano Bajun Islands.

Waxgaradka Jaziiradaha Bajun Islands ayaa madaxweyne Axmed Madoobe la wadaagay warbixino iyo macluumaad kale oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ka jiro deegaanadaas iyo sida shacabka ay ugu noolyihiin dhulkaasi.


Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u sheegay waxgaradka beelaha Baajuunta inay ka go’antahay inuu dadaal dheer ku bixin doono horumarinta xirfadaha dadka ku dhaqan jaziiradahaasi oo dadka Soomaaliyeed intooda badan aysan wax badan ka garaneynin.

Jaziiradaha ChandraChovaye(Jabaay), Chula(Juula), KoyamaDarakasi iyo Ngumi ayaa ah Jaziiradaha 6da ah ee ay ka kooban yihiin Bajun Islands. Dadka ku dhaqan Jaziiradahan ayaa u badan Kaluumeysato. Jaziirada Chula ama Juula waa midda ay degan yihiin dadka ugu badan.

Xigasho Sawirada: Kismaayo News

 

Odeyaasha Dhaqanka Baajuunta1 Odeyaasha Dhaqanka Baajuunta2 Odeyaasha Dhaqanka Baajuunta3 Odeyaasha Dhaqanka Baajuunta4 Odeyaasha Dhaqanka Baajuunta5

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here