Cali Daacun: Xabad Rasaas Ah Ayey Igaga Xun Tahay In Dhegaheyga Maalin Walba Maqlaan Xamar Annagaa Leh(Video)

Cali Daacuun oo ah Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasina ah siyaasi rug-ccadaa ah ayaa aad uga xumaaday hadal ay ku hadaaqaan siyaasiyiinta qaarkood kuwaasi oo uu ugu dambeeyey C/raxmaan C/shakuur.

“Xabad rasaas ah ayey igaga xun tahay in dhegaheyga maalin walba maqlaan Xamar annagaa leh” ayuu yiri siyaasi Cali Daacuun.

Magaalada Muqdisho oo kaabeyaasheeda dhaqaalaha lagu dhisay hanti ama Iskaa-wax-u-qabso laga soo aruuriyey dhammaan  gobolada ummadda Soomaaliyeed isla markaasina muwaadhin kasto uu guryo ka dhistay ayaa waxay odeyaal wax ma garato ah marwalbo doonayaan in Muqdisho yeelato beeshooda.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here