Madaxweyne Farmaajo “Argagaxisada Alshabaab Waan Ka Cirib Tireynaa Guud Ahaan Dalka Soomaaliya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamad C/laahi Farmaaj ayaa ka hadlay xaaladaha ammaanka dalka, howlgalada dalka looga saarayo Shabaabi iyo dhalinyarada ay marin habaabiyeen maleeshiyadaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya markale ku celinayso fursad la siiyo dhalinyaradaasi la qalday si ay dib uga soo laabtaan qaladkooda, isagoo xusay in mar kale dowladdu ay cafis u fidineyso haddii ay isa soo dhiibaan dhalinyarada

Dowladda Soomaaliya ayuu madaxweyne Farmaajo sheegay in ay ka go’antahay sidii guud ahaan dalka Soomaaliya looga ciribtiri lahaa Al-shabaab oo hortaagan horumarka umadda Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay in dhalinyaradi ka faa’idaysatay fursadaha ay siisay dowladda si wanaagsan loola dhaqmay ayna heleen daryeel ,maadaama ay ka soo noqdeen firkradihii qaldanaa oo ay ku shubeen Al-shabaab.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday dhalinyarada Alshabaab ku jira waxaana fursada dowladda ka faa’ideystay dhalinyarao badan iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay.

Wixii ka dambeeyey markii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku dhawaaqday in cafis loo fidiyay dhalinyarada ay qaldeen Ururka Shabaab, waxaa sii kordhayay tirada ka soo baxaysa koxdaasi, kuwaasi oo isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here