Madaxweyne Farmaajo Iyo Hay’adaha Amniga Dowladda Oo Sheegay In Lala Xisaabtamaayo Ciidankii Weeraray Guriga Senator Cabdi Qeybdiid

Wasiirka Amniga dowladda dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in dowladda ay sharciga horkeeni doonto ciidankii weeraray guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

“Ciddii ka dambeysay falka ka dhacay Guriga Senator Cabdi Qeybdiid sharciga ayaa la horkeeni doonaa, sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri wasiirka Amniga Maxamed Abduukar Islow Ducaale.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa weerarka lagu qaaday guriga Senator Cabdi Qeybdiid ku tilmaamay talaabo sharci darro ah oo aanan loo dulqaadaneynin.

Farmaajo Twitter

Ciidamada weeraray guriga Cabdi Qeybdiid ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin ciidamadii ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta ee saldhigga ku leh Muqdisho.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyey inay qalalaaso siyaasadeed ka abuureyso dalka Soomaaliya iyadoo arintaasi u adeegsaneyso dagaal wajiyo badan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here