Madaxweyne Farmaajo Ayaa Maanta Saxiixay Miisaaniyadda Dowladda Ee Sanadka 2018-da?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2018-da.

Waxaa Miisaaniyadaan si wadajir ah u Ansixiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka aqalka hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka dowladda Soomaaliya.

Miisaaniyadda sanadkaan ayaa gaareysa $274,640,191 Doollar (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federalka Mudane Cabdi Xaashi C/laahi Ayaa shalay warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha uu isaga u geeyn doono si uu u saxiixo miisaaniyadda.

Munaasabad lagu saxiixayo Miisaaniyada dowlada ee sanadka 2018-da ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here