Oromooy Xasuuqa Soomaalida Xisaab Baa Ka Danbayn!

Xigasho: Kismaayo News

Shantii bilood ee ugu danbaysay waxaa isasootaraysa xasuuq wadareedyo aan loo miidaandayin oo Oromadu u gaysanayso dadka Soomaalida ee ama ayagoo safar ah dhulkooda maraya ama maamulkooda ku hoosnool.

Ficilada guracan ee waxashnimada ah marka dhinac kasta laga eego ma aha kuwo innaba habayaraatee loo helaayo wax qiil ah. Ilaa iyo hadda tirada ay Oromadu xasuuqday tan iyo intii ay bilaabeen ugaarsiga cusurka Soomaaliga waxaa lagu sheegaa 725, walow dadka qaar ay intaasi ka badinayaan. Sidoo kale waxay soo barokiciyeen dad kor u dhaafaya 150,000 oo ruux, waxayna boobeen hanti aad u badan oo isugu jirta ganacsi, xoolo iyo dhul beereed tiro badan.

Kama hadlayno dadka ay waxyeeladu ku gaartay xuduudda u dhaxaysa labada ismaamul gobolleed, kuwaasi oo had iyo jeer ay ka dhexdhici jireen shiqaaqooyin soo noqnoqda balse xal laga gaari jiray ee waxaan ka hadlaynaa deegaamada ay Soomaalidu degto ee ku yaala Ismaamulka Oromada. Markay Itoobiya qaadatay nidaamka Federalka dhul baaxad leh oo Soomaalidu degto ayaa lagu daray kililka Oromada ayadoo qaarna qaab siyaasad ahaan loogu daray qaarna ay ayagu dalbadeen ayagoo ka cararaya walaalahooda kale kadib markay saamayn ku yeelatay suntii qabyaaladda ee naafaysay Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Dhulka iyo shacbiga Soomaaliyeed ee maamulka Oromada la hoosgeeyay waxay isugu jireen laba nooc, qolo waxuu deegaan koodu dacalka ku hayaa deegaanada kililka Soomaalida, dhibka ugu badan ee soo gaarayna waa barokac iyo hanti laga boobay. Maadaama ay Soomaalidii kale u dhawayd waxay deegaamada qaar awoodeen inay is difaacaan oo dhulkooda ka dhaariyaan xadgudubka iyo dhul balaarsiga Oromada, qaarkoodna naftooda ama naftooda iyo maalkoodaba way la soo qexeen waxayna Kililka Soomaalida soo gaareen ayagoo bad qaba. Qolada labaad waa kuwo degan bartanka Oromada oo xaataa jinsi ahaan inay Soomaaliyihiin mooyaane luuqadda Oromada ku hadla, ayaga iyo Oromaduna qarniyo isdhalay oo wiil iyo abtigii isu ah.

Hadaba hadii la dhihi lahaa sida dadka qaarkood ku andacoonayaan Liyuu Booliska Soomaalidaa dad Oromo ah laayay sidaasayna Oromadu ku aargudanaysaa; Waa midda koobaade, xaataa haday sheegashadaasi jirto Liyuu Boolisku waa ciidan dawladda Itoobiya maamusho wixii faldanbiyeed ah ee ay ku kacaanna ma aha mid Soomaalidu samaysay ama lagala xaaltamayo ee waa mid ciidan dawladeed falay. Hadiise la yiraahdo wixii Liyuu Booslisku gaysto waxaa loo haystaa Soomaalida, markaasi waxay noqonaysaa in Oromada loo qabsado faldanbiyeedyadii ay Soomaalida guud ahaan kula keceen ciidamada Itoobiyaanku maadaama 90% ay Oromo yihiin. Kama hadlayno Kililka Soomaalida ee boqollaalka sano cadaadiska iyo xasuuqa lagu haayay ee waxaan ka hadlaynaa ciidamadii Itoobiyaanka ee xasuuqa ba’an ka gaystay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna caasimadda Muqdisho, ciidamadaas oo intooda badan kasoo jeeday qowmiyadda Oromada. Waxaa intaasi dheer maleeshiyaadka Alshabaab ee Soomaalida kala gaabiyay waxaa ka buuxo dhalinyaro Oromo ah oo tan iyo 2006-dii lagu soo daabulayay Soomaaliya.

Waxaa muuqata oon caad saarnayn in Oromadu heshiis guud ku gaartay, mucaarad iyo muxaafid, Baadari iyo Sheekh, Gaalkooda iyo Islaamkooduba inay Soomaalida laayaan, hantida iyo dhulkana ka boobaan ayagoo markaasi maanka ku haya inaysan Soomaalidu isu diirnaxaynin sidaasna ay qoloba mar cagta mariyaan. Taasna waxaa daliil ugu filan boqolaalka qof ee siyaabo kale duwan iyo meelo kala gadisan oo waliba ubucda maamulkooda ah ay sida arxan darada ah ee bini’aadamnimada ka baxsan ugu xasuuqeen, haba ugu darnaadeen kuwii ka dhacay deegaamada Baali iyo kii ka dhacay magaalada Awadaay. Kaaga darane, ma aha Soomaalida Kililka waxa ay ugaarsiga ku hayaan ee waa cusurka Soomaalida oo dhan, xaataa Soomaalida Jubuuti ayaa ka caagay inay Oromada dhex maraan kadib markii baabuurta lagala degay oo Soomaalinimada darteed loo gawracay. Waxaa cajiib ah in ku dhawaad 5 malyan oo Oromo ahi dhex daadsanyihiin deegaamada Soomaalida, Gaarisa, Jabuuti, Jigjiga, Hargaysa, Garoowe, Baydhabo, Baledweyne iyo Xamar isla mar ahaantaana ganacsigooda ugu badan oo sunta cagaaran (Qaadka) ugu horaysana ay Soomaalida ku qabaan, hadana sidaasi ooy tahay ay Soomaalida kula kacaan falalka waxashnimada ah ee insaaniyada ka fog, kaaga darane uusan jirin hal qof oo Oromo ah oo canbaaraynaya ama ka soo horjeeda falalkaasi guracan balse ay taageero buuxda u hayaan. Majiro wax ka xun, qof inta kudilo, kuna dhaco hadana adigii ku naba. Waxaan maqli jiray hashu ayadaa geela cuni ayadaana cabaadi, Oromadu ayadaa dadkaygii madhisay oo ka dhigtay wax ay uus xabaasho iyo waxay bililiqaysato hadana ayadaa afka furatay oo cabaadaysa, laakiin waxaysan ogayn inaan Soomaalida dagaal loo tilmaamin.

Dhinaca maamulka Kililka Soomaalidu inkastoo dadaaleen, hadana dhibaatooyinka u badan waxay ka dhacayaan maamulka Oromadu degaamada uu maamulo, taasina waxay tahay in Dawladda federaalku talaabo ka qaado, laakiin dhibaatada jirta ayaa ah in ciidamada federaalka qaybahooda kala gadisan ay u badanyihiin Oromo isla mar ahaantaana ay marar badan qayb ka ahaayeen xasuuqa loo gaystay Soomaalida. Dadka qaar waxaa lagu xasuuqay xerooyinka ciidanka federaalka oo ay soo magan galeen, qaar waxaa lagu laayay xerooyinka booliska maamulka Oromada oo naftooda ay kula soo carareen. Inkastoo Soomaalidu kala daadsantahay, waxay Oromadu hilmaantay in falalka foosha xun ee ay gaysanayaan ay Soomaalida xisaabta ugu jiraan, goor ay ahaatana ay ka shalaytoon doonaan. Ma aha wax la waaniyo in dad aan waxba galabsan oo maati ah loo xasuuqo sida ay Oromadu yeeshay laakiin talaabada ugu haboon ee jawaab celinta ah waa in cunoqabatayn baahsan la saaraa Oromada. Ganacsigooda oo Qaadku ugu horeeyo oo laga joojiyo guud ahaan deegaamada Soomaalida iyo waliba in Oromada meel kasta oo deegaamadeena ah didaysa dal koodii loo celiyo laguna amro inay deegaamada Soomaalida isaga baxaan ayagoon dhib loo gaysan. Waa muhiim in Soomaalida iyo Oromadu kala miiranto maadaama ay noqdeen marti falaad xun. Majiro hal faa’iido ah oo Soomaalidu ku qabto Oromada laakiin waxaa jira boqol faa’iido oo Oromadu Soomaalida ku qabto ayadoo taasi jirto ayay hadana nimcadii xajin waayeen. Xasuuqa ay umadda Soomaaliyeed u gaysteen wuxuu digniin inooga yahay damacooda guracan iyo sheegashadooda dhulka Soomaalida  laga soo bilaabo Ceelwaaq, Caabudwaaq ilaa iyo Hargaysa waxaana lagama maarmaan ah inta goori goortahay inay Soomaalidu isdabaqabato oo Oromada ka buriyaan dhulkooda ayadoon waxba loogaysaninna ay siiyaan jid ay ku baxaan.

Xaashaa Lillaahiye, in Oromadu boqol sano in kabadan ay Soomaalida ku gumaadaysay ayadoo huwan shaatiga Itoobiya, hadana ay soo dhardhigatay markay ku filaanwayday gabood falkii ay ku fulinaysay magaca Itoobiyaannimada waxay muujinaysaa cadaawadda ay cusurka Soomaalida u qabto heerka ay gaarsiisantahay. Waxaanse leenahay, Oromooy xasuuqa xisaab baa ka danbayn.

Xigasho: Kismaayo News

SHARE

1 COMMENT

  1. ASC Qore/Kismaayo News,
    Oromada isku up iyo issir ma wada wadagaan. Waa qowmiyado kala luqo iyo qabiil ah. Xattaa maleh hal diin. Qabaa’ilada Soomaaliyeed wey wadaagaan dhiig, Issir, Diin, Luqad iwm. Maxaa ka maqan waaye marka?
    Wax kama maqno ee waa fulleyaal wada xaasidiin ah. Fulley wuxuu ka adag yahay familigiisa oo qura. Waa taa reer koofureedka la laayey gaar ahaan kuwooda reer Xamarta iyo Jareerta. Balse far dheeroo Oromaa ku heysatee talo u keen. Mala dhehi karaa tani waa xaq soo daahirey?
    Qeebtaan kore horta ciilka i haayo waaye. Waa iska gooyi hadda.
    Adiga maxaad talo heysaa? Waayo keligaa Oromo ma ku aadid. Aniga taladeey waxa waaye hal qabsigaan: “if not Me, then Who? Taasoo ka dhigan haddaan howshu aniga qaban, yaa qabanaya? Awwoto Kuuleey miyaa jawaabta? Maya. Ani aa hoosha qawahaayo waaye jawaabta saxa ah.
    Ha la sameeyo sida tan:
    1-Qof kastoo Soomaali ah waa inuu diyaariyaa Qabiilkiisa. Ayadoo ama Asagoo u sheegaaya in Qabaa’ilada Soomaaliya dhan walaalo yihiin (Min Jareer ilaa Jiir Cad iyo fardheerta lamadaas u dhexeyso). in Soomaalidu mar ay dhiig walaal ku yihiin marna Diin.
    2-Qabaa’ilada iney shiraan oo la raali geliyo kuwii la soo gumaaday 1960kii ilaa iyo maanta.
    3-In leesu tanaazulo si Qabiil waliba uu u gaaro dantiisa gaarka ah (beeso lee maahinoo).
    4-In la xoojiyo nabad geliyada Qabaa’ilada.
    5-Shaqo abuurista jiilka cusub in aad loogu dadaalo iyadoo Qabiilna la xaqireynin.
    6-Ka dib la dhiso ciidan adag oo isu dhaf ah oo u heegan difaaca issirka Soomaalida meel kastooy aduunka kaga sugan yihiin.
    Bismillaah SWT ad bilaaw anna waa bilaawaa. Ma isku ognaa saas? Qof kastoo Aqristo Qoraalkaan waxaad ruqsi u qabtaa in aad bilaawdid talaabooyinkaan.
    Fii Amaani Allaahi SWT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here