C/Raxmaan C/Shakuur Oo Weli Ku Socdo Talo Xumadii Sababtay Inay Geeriyoodaan Wiilashii Waardiyaha Ka Ahaa Gurigiisa

Waxaa Maanta maxkamadda Racfaanka laga sugayaa siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo maalmo ka hor damiin looga sii daayey xabsiga NISA. Muuqaal uu shaley iska soo duubay C/raxmaan C/shakuur ayuu ku sheegay inuusan wax dambi laheyn taasi oo u muuqatay inuu diidan yahay inuu Maxkamadda Racfaanka hortago maanta.

Ciidamada ammaanka dowladda federalka Soomaaliya ayaa waxay labo todobaad ka hor soo xireen C/raxmaan C/shakuur oo xeer ilaalinta dowladda federalka ay ku eedeeyeen Khiyaano Qaran iyo Qaran Dumisnimo kadib markii la xaqiijiyey inuu xiriir la leeyahay dowlado shisheeye oo ka shaqeynayo buruburinta Qaranka Soomaaliyeed.

Howlgalka ciidamada Ammaanka ay ku soo xiraayeen C/raxmaan C/shakuur waxaa ku geeriyooday ilaa 5 wiil oo ilaalo ka ahaa gurigiisa. Geerida wiilasha ayaa waxaa sabab u ahaa C/raxmaan C/shakuur oo wiilasha amar ku siiyey inay rasaas kala hortgaan ciidamada ammaanka dowladda oo doonayey inay soo xiraan.

C/raxmaan C/shakuur iyo siyaasiyiin ku heyb ah ayaa aminsan oo isu arka inay sharciga dalka ka sarreeyaan iyaga, arintan ayaa waxay dowladda Soomaaliya u horseedi doontaa labo arin midkood:(1) Dowladnimo iyo kala dambeyn  – haddii dowladda ay sharciga ku fuliso C/raxmaan C/shakuur ama (2) Burbur – haddii xeerjajab lagu dhameeyo kiiskan isla markaasina aan loo hogaansamiin sharciga dalka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here