Kooxda Alshabaab Oo Dhalinyaro Ku Xasuuqay Gobolka Shabeelaha Hoose

Kooxda Alshabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay wiilal dhalinyaro ah oo ay ku eedeyeen iney la shaqeynayeen dowladdda Soomaaliya iyo dowlado shisheeye.

Waxaa dhalinyaradan lagu toogtay fagaare ku yaallo degmada Kurtunwaarey ee gobolka Sh/hoose.

Nin ka been sheegay Kitaabka Alle oo Alshabaab ay ku sheegeen inuu yahay Qaadiga Maxkamadooda gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku dhawaaqay xukunka toogashada ah ee lagu riday dhalinyaradaasi.

Websiteyada Alshabaab ayaa baahiyey magacyada dhalinyarada iyo mid walbo wixii lagu soo eedeeyey. Hoos ka akhriso magacyada dhalinyarada la xasuuqay:

1-Cabdi Qaadir Cumar Xasan, 23 sano Jir ah, waxay Shabaabka sheegeen inuu la shaqeynayay  Maamulka dowladda Federaalka ee degmada Qoryooley.

2-Cabdi Qaadir Shukri Xasan, 30 sano Jir ah, waxay Shabaabka sheegeen inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka

3-Muxamed Abshir Cali, 35 sano Jir ah,  waxay Shabaabka sheegeen inuu la shaqeynayay  Taliska Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gobalada Baay iyo Bakool.

4-Cali Axmed Sheekh Cali, 30 sano jir ah, waxay Shabaabka sheegeen inuu la shaqeynayay Sirdoonka Dowladda Federaalka

5-Cali Yuusuf Axmed(Jacfar Dheere), 36 sano Jir ah,  waxay Shabaabka sheegeen inuu la soo shaqeeyey dowladda Kenya.

Kooxda Alshabaab ayaa sidan oo kale horey u xasuuqay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed iyadoo Shabaabka ay marmarsi ka dhiganayaan “dowlado shisheeye ayuu Basaas u ahaa”.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here