Maxkamadda Racfaanka Oo Go’aamisay In C/Raxmaan C/Shakuur Dalka Uusan Ka Dhoofi Karin Iyo Go’aano Kale Oo Culus

Maxkamada racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta go’aano culus ka qaadatay C/raxmaan C/shakuur oo diiday inuu soo xaadiro Maxkamada si loo dhageysto dacwadii lagu soo oogay.

Waxay maanta Maxkamad Racfaanka u fariisatay dacwadii loo heystay C/raxmaan C/shakuur, waxaa loo fasaxday xeer ilaalinta Qaranka iney sii wadaan baaritaanka ay ku hayaan dacwadda C/raxmaan.

Maxkamada Racfaanka ayaa sidoo kale go’aamisay in xanibaad dhinaca safarada ah lagu soo rogay C/raxmaan C/shakuur ilaa laga soo gabagabeynaayo baaritaanka dacwadda loo heysto.

Abuukaateyaal diiday inay maxkamadda ka hordifaacaan C/raxmaan C/shakuur ayaa lagu ganaaxay min 2000 kun oo dollar iyadoo sadex ka mid ah qareenadaasi lagu xukumay shaqo joojin 2 bilood ku eeg.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here