Diyaar Garowga Soo Dhaweynta Madaxweyne Farmaao Oo Si weyn Looga Dareemaayo Magaalada Garoowe Ee Xarunta Puntland(Sawiro)

Waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamul goboleedka Puntland laga dareemayaa diyaar garoow balaaran oo loogu jiro soo dhowaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Wadooyinka magaalada Garowe waxaa lagu dhejiyey boorar waaweyn oo uu ku masawiran yahay Madaxwynaha dalka oo Halku dhigiisu yahay “mudane Ku soo Dhawow Dhulka Uduga Puntland”.

Barxadda magaalada Garoowe oo ah halku ugu caansan Garoowe ayaa waxaa lagu suray oo  nalal aad u qurux badan iyo Calanka Soomaaliya.

Diyaar garowga Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa Guud ahaan deeganada Puntland, waxaana la filayaa in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu gaaro caasimadda Puntland ee Garoowe Waqtiyada soo socda.Soo dhaweyn Garoowe Soo dhaweyn Garoowe0 Soo dhaweyn Garoowe1 Soo dhaweyn Garoowe2 Soo dhaweyn Garoowe3 Soo dhaweyn Garoowe4.jpg

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here