Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Sheegtay In Hub Iyo Agab Casri Ah La Siinayo Ciidamada Uu Tababaray Turkiga

Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidanka Turkiga tababarayo la siinayo hub iyo agab casri ah si ay u wajahaan cadowga dalka. Ciidamada Turkiga tababarka siinayo ayaa isugu jiro Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno sida Wasaaradda shaacisay.

Wasiiru Dowlaha Wasaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in saldhigga Turkiga ee Muqdisho uu tababar uga soconayo Ciidamo ka tirsan Dowladda, wuxuuna wasiirku hadalkisa raaciyey in haduu uu dhammaado la siin doono hub iyo qalab casri ah oo ay kula dagaalamaaan kooxda Shabaab.

Maxamed Cali Xagaa ayaa intaasi ku daray in ciidamado ay horey u tababarnaayeen,balse la siinayo tababar ka sii horumarsan kii horey ay u heysteen,wuxuuna xusay in qofkasta tababar ku qaato kuliyadaasi qalabkiisa loo dhameystiri doono.

Madaxweynah Soomalaiya Maxamed Cabllaahi Farmaajo ayaa dhowaan tababar soo xirey qeybtii ugu horeysay ee ciidanka lagu tababaray xerada ciidan ee uu dhisay Turkiga.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here