Akhriso: Wasaaradda Awqaafta DF Oo Dib U Eegeyso Qarashaatka Xad-dhaafka Ah Ee Shirkadaha Arimaha Xajka Ka Qaadaan Xujeyda Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda federalka Soomaaliya ayaa qorsheyneyso inay dib u eegto qarashaatka laga qaado Muwaadhiniinta Soomaaliya ee soo gudanaayo Xajka. 

Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaarada Awqaafta ayaa lagu xusay in wasaaradda ay bilaabayso diiwaangelinta iyo ogolaanshaha shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka, waxaana shirkadaha ka shaqeeyaan Arrimaha Xajka iyo Cumrada lagu amaray in ay iska soo diiwaan galiyaan.

Waxaa Wasaaradda Awqaafta la gaarsiiyey cabashooyin xooggan oo ka yimid xujeyda Soomaaliyeed kuwaasi oo dayacaad ba’an kala kulmay shirkadaha Soomaaliyeed ee lacagaha xad-dhaafka ah ka qaatay isla markaasina aanan si hufan ugu adeegin xujeyda.

Sanadkii hore ee 2017da waxay shirkadaha arimaha Xajka ka qaadeen halkii qof lacag gaareyso 4 kun dollar($4,000), dhammaan xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkii hore waxay isku raaceen in la dejiyey guryo kuleel ah oo aan wax Mukeyf ah ku xirneyn.

Halkan hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta oo dhameystiran:

 

Warsaxaafadeedka Qarashaadka Xajka

Warsaxaafadeedka Qarashaadka Xajka1

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here