Booqashada Madaxweyne Farmaajo Ee Maamulka Puntland Oo Lagu Tilmaamay Mid Wiiqeyso Fara-gelintii Imaaraatka Carabta Ku Haysey Soomaaliya(Video)

Warbixin Telefishanka Aljazeera ka diyaariyey socdaalka madaxweyne Farmaajo uu ku tagay maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay mid lagu wiiqaayo faro-gelinta Imaaraatka Carabta k hayaan siyaasadda dalka Soomaaliya.

Magaalada Garoowe wuxuu madaxweynaha dalka Somalia kula kulmay waxgaradka iyo siyaasiyiinta ay  ka go’do talada deegaanada Puntland, waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa dowladda federalka.

Xiriir wanaagsan oo Villa Soomaaliya la yeelato Madaxweynaha maamulka Puntland oo  ah hogaamiyaha dalladda maamul goboleedyada waxay meesha ka saareysaa mugdi iyo madmadow ka jiray xiriirka dowladda dhexe iyo maamul gobleedyada.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here