Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Kormeerayo Xarumaha Adeegyada Bulshada Ee Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta kormeerayo xarumaha muhiimka ee maamulka Puntland ku leeyahay magaalada Garoowe.

Xarumaha uu Madaxweyne Farmaajo kormeerayo waxaa ka mid ah Isbitalka Guud ee magaalada Garoowe, Xarumaha waxbarashada sida Jaamacadaha iyo xarumo kale oo muhiim u ah adeegyada aasaasiga ee bulshada ku dhaqan degmada Garoowe.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu dhagax-dhigo xarumo dowladeed oo isugu jiro heer Federaal iyo heer maamul Goboleed kuwaasi oo laga hirgalinaayo magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

Waxaa heer gabagabo ah maraayo safar shaqo oo uu madaxweynaha dalka Soomaaliya uu ku maraayo gobolada dalka gaar ahaan deegaanada maamul goboleedka Puntland.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here