Ciidamada Ku Dagaalamay Deegaanka Tuke-raq Ee Kala Taabacsan Somaliland Iyo Puntland Waxay Ka Soo Jeedaan Hal Beel

Ciidamada Somaliland ayaa labo maalin ka hor weerar ku qabsaday bar kantarool oo gaadiidka lagu baaro oo ku taalo deegaanka Tuke-raq oo u dhexeeyo degmooyinka Laascaanood iyo Garoowe.

Howlgalka Ciidamada Somaliland ku qabsadeen Kastamka Tuke-raq ayaa la sheegay inuusan geysanin wax khasaaro ah isla markaasina aysan dhicin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen ciidamadii Puntland ee halkaasi joogay.

Waxaa xusid mudan in ciidamada Somaliland ee qabsaday deegaanka Tuke-raq iyo ciidamada Puntland ee horey u joogay deegaankaasi ay yihiin isku beel(Dhulbahante) laakiin kala taabacsan Somaliland iyo Puntland. Waxaa jiro ciidamo kale oo labada maamul ka tirsan oo gadaal ka fadhiyo ciidamada beeshan balse aan rabin inay rasaasta isku dhigaan ama dagaalka ay galaan.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo shaley warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay in weerarkii Somaliland ku soo qaaday deegaanka Tuke-raq uu ahaa mid la doonayey in lagu carqaladeeyo booqashada madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ay ku joogaan Puntland.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka mas’uuliyiinta Somaliland oo ku saabsan xiisadda ka taagan gobolka Sool iyadoo madaxweynaha Somaliland uu safar shaqo ugu maqan yahay dalka Jabuuti.

Ma ahan markii ugu horeysay ee sidan oo kale ay Somaliland iyo Puntland ugu diriraan gacan kuhaynta deegaamadan u dhexeeyo gobolada Nugaal iyo Sool.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here