Madaxweyne Farmaao Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Boosaaso Iyo Amniga Gobolka Bari Oo Aad Loo Adkeeyey

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta booqanaayo magaalada Boosaaso ee caasimadda gobolka Bari.

Waxaa madaxweyne Farmaao Socdaalka ku wahelinaya Madaxweynaha Puntland  Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo masuuliyiin heer federal iyo heer maamul goboleed ka kooban.

Magaalada Bosaso waxaa si si weyn loo adkeeyey amniga iyadoo la joojiyey dhammaan gaadiidkii galaayey iyo kuwii ka baxaayey magaalada, boqolal shacab aha oo wata Calamada Soomaaliya iyo kan maamul goboleedka Puntland ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalaada kuwaasi oo u heelan soo dhaweynta madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa.

Madaxweyne ayaa booqashada Boosaaso kadib safar dhanka hawada ah ugu ambabixi doono degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb halkaasi oo uu kaga qeyb gali doono munaasabad heshiiskii dhowaan Galmudug iyo Ahlu-sunnada gobolada dhexe ku gaareen dalka Jabuuti.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here