Ciidamada Dowladda Oo Burburiyey Salhig Alshabaab Ay Ku Lahaayeen Gobolka Sh/hoose

Hogaanka ciidamada Kumaandooska dalka Somaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgal qorsheysan oo shaley oo jimco aheyd ay ku qaadeen lagu burburiyey Saldhig wayn oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen deegaanka Leego ee Gobolka Shabellaha hoose.

G/Sare Ahmed Cabdullahi Sheikh oo ah taliyaha ciidamada Danab ayaa tilmaamay in Saldhigga ay ciidamadiisa burburiyeen uu ahaa mid dhagaro badan ay ka soo maleegi jireen kooxda Alshabaab.

Waxaa uu sheegay taliyaha in saldhigga la burburiyey ay Alshabaab lacago xad dhaaf ah oo baad ah uga qaadi jireen gaadiidka ka yimaado dhanka magaalada Muqdisho ee u socdo gobolada Bay iyo Bakool.

Ciidamada dowladda federalka iyo ciidamada Mareykanka ayaa burburiyey inta badan saldhigyadii maleeshiyada Alshabaab ay ku lahaayeen gobolka Sh/hoose, waxaa xiligan aad u yaraaday dhaqdhaqaaqii kooxda ay ka sameyn jirtay gobolka Sh.hoose.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here