Maamulka Magaalada Marka Oo Ka Warbixiyey Qarax Ay Ku Dhinteen Labo Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada Ammaanka Degmada (Video)

Maamulka dgmada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa ka warbixiyey Qarax Miino oo habeen hore ka dhacay deegaanka Ismaan Quulle ee duleedka waqooyi ee magaalada Marka. 

Waxaa qaraxaasi ku geeriyooday labo askari oo ka tirsanaa Ciidamada ammaanka degmada Marka oo oo halkaasi howlo amnni sugid ah u joogay.

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow iyo saraakiisha Ciidamada oo halkaasi booqdey ayaa sheegey in ay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan sida weerarkan loosoo agaasimey.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here