Madaxweyne Farmaajo Oo Goordhow Ka Degay Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf Ee Magaalada Galkacyo

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyey Galkacyo ayaa waxay ka soo kicitimeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Mas’uuliyin ka tirsan maamulada GalMudug iyo Puntland ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyey Galkacyo. Wasiirka Arrimaha Gudaha DF ayaa isagana ka mid ah wafdiga madaxweyne Farmaajo ku qaabilay

Maalinta berri ayaa lagu wadaa inuu Madaxweynaha u ambabaxo deegaanada Cadaado, Caabudwaaq, Guriceel iyo Dhuusamareeb oo lagu saxiixayo heshiis dhexmaray Galmudug iyo Ahlusunnada gobolada dhexe.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here