Madaxweyne Farmaajo Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Galkacyo(Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wegdigiisa ayaa maanta oo Sabti ah gaaray  Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka soo degay garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf Axmed waxaa magaalada Gaalkacyo si weyn ugu soo dhaweeyey shacabka gobolka Mudug qeybahiisa kala duwan.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyey madaxa Puntland, Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kale duwan

Dadka reer Gaalkacyo ayaa Madaxweyne Farmaajo hadiyad uga dhigay Geel huwan astaanta Calanka Qaranka taasi oo ay ula jeedaan Hashii Maandeeq.

Waxaa uu caawa Madaxweyne Farmaajo  ku hoyan doona dhanka Waqooyi ee Maamulka Galmudug.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada ammaanka ay tan iyo shalay magaalada ka wadeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada.

MD Farmaajo In Galkacyo MD Farmaajo In Galkacyo0 MD Farmaajo In Galkacyo1 MD Farmaajo In Galkacyo2 MD Farmaajo In Galkacyo3 MD Farmaajo In Galkacyo4 MD Farmaajo In Galkacyo5 MD Farmaajo In Galkacyo6 MD Farmaajo In Galkacyo7 MD Farmaajo In Galkacyo8 MD Farmaajo In Galkacyo9 MD Farmaajo In Galkacyo11

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here