Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Jabuuti Oo La Geeyey Magaalooyinka Galgaduud Ee Uu Booqanaayo Madaxweyne Farmaajo

Ciidamo ka socdo dalka Jabuuti ee  qeyb ka ah howlgalka AMISOM ayaa gaaray magaalooyinka GalMudug ee uu booqanaayo madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Ciidamadaan ka socdo Djabuuti ayaa sugaayo amniga Dhuusamareeb Guriceel iyo CaabudWaaq oo horey aysan u joogin ciidamo AMISOM ka socdo.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ayaa shaley gaaray Dhuusamareeb, waxaa maanta lagu kordhiyey ciidamo kale oo tiro badan kuwaasi oo laga daabulay gobolka Hiiraan.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee gobolaa dalka ayaa noqoneyso middii ugu dheereyd ee abid Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku tago gobolada Soomaaliya inta la xasuusto.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here