Nin Soomaali Ah Ayaa Dabaqa 11aad Iska Soo Tuuray Magaalada Melbourne Ee Dalka Autralia(Sawiro)

Magaalada Melbourne ee dalka Australia Waxaa maanta dabaqa 11-aad iska soo tuuray Aabe Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay C/raxmaan. Booliiska Australia iyo hey’adaha Caafimaadka magaalada Melbourne ay xaqiijiyey in C/raxmaan uu geeriyooday.

Xubno ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Melbourne oo aad uga naxsan dhacdadan ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa qof afgaaban oo inta badan aan xogtiisa rasmiga ah aan la ogaan karin.

Waxaa uu ifka uga tagay 4 caruur oo midka ugu weyn 6 jir halka midka ugu yarna uu jiro dhowr bilood.

Ma la garanaayo sababta ku kaliftay inuu falkan ku dhaqaaqo C/raxmaan laakin waxaa lasheegay in uu qabay xanuun dhanka maskaxda ah aan laga dareemi jirin.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here