About Shalambood

Magaalada Shalambood waa magaalo halbowle ah oo isku xirto dhulka deexda ah iyo dhulka Carr-madowga ah  ee gobolka Sh/hoose, waxay hoos-tagtaa maamulka degmada Marka, celcelis 3 Kiilo Meter ayey u jirtaa magaaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Shalambood waxay caan ku tahay wax-soo-saarka Beeraha sida:

  • Qudaarta
  • Galleyda
  • Babaayga
  • Mooska

Sidoo kale, dadka deggan shalambood waxay u badan yihiin qabiilka Biimaal ee sida weyn u dego gobolo badan oo Soomaaliya ka tirsan.